Galmudug iyo Al-Shabaab oo dagaal dhexmaray

Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan Qeybta 21-aad oo dagaal culus kula galay Kooxda Al-Shabaab deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud

Warar Keydmedia Online
Galmudug iyo Al-Shabaab oo dagaal dhexmaray

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal aad u qaraar ayaa wuxuu ku dhexmaray deegaanka Cada-xaar oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Galmudug iyo  Al-Shabaab ka dib markii Qaybta 21-aad ee xoogga dalka ay weerar qorshaysan ku qaadeen farrisimo Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi.

Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa sheegey "in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey oo cadawga looga sifeynayo gobolka isla markaana la sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo dhulka ay joogaan" ayuu yiri sarkaalkaasi.

Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa ururka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen bilihii la soo dhaafay, taas ayaana keentay in Ciidamada Xoogga dalku ay ka jawaabaan ayuu sii raaciyay, toddobaadkan diyaarad uu la socday madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu la socday ayaa la weeraray diyaaraddii ay saarnaayeen oo lagu riday dhowr gantaal oo ah kuwa lidka diyaaradaha, ciidamada Al-Shabaab oo fadhiya meel u muuqata garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa howl gal ka dhan ah maamulka Galmudug ka waday toddobaadyadii lasoo dhaafay iyagoo sidoo kale hoobiya yaal ku weeraray caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

GALMUDUG ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.