Galmudug iyo AMISOM oo ka shiray dagaallada Al-shabaab

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dagaallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
Galmudug iyo AMISOM oo ka shiray dagaallada Al-shabaab

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa waxa uu magaalada Dhuusamareeb kula kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka AMISOM.

Saraakiishan uu la kulmay ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha qeybta Afaraad ee ciidamada AMISOM Korneel C/raxmaan Riyaale Xareed, kaasi oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa saraakiisha wuxuu uga warbixiyey howlgallo maalmihii ugu dambeeyey ay AMISOM iyo ciidanka Galmudug ka sameeyeen Koonfurta magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay Cali Ciid in Al-shabaab ay saareen culeys xooggan, taasi oo keentay in deegaanno badan isaga baxaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, Taliyaha qeybta Afaraad ee AMISOM, Korneel C/raxman Riyaale ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab, ayna ciidanku gaari doonaan deeganno hor leh.

Al-shabaab ayaa ku sugan deegaanno ka tirsan Galmudug, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay weeraro kala kulmeen ciidanka Galmudug iyo kuwa AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.