Galmudug iyo HirShabeelle oo caddeeyay mowqifkooda muddo kordhinta

Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa diiday si buuxda u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan muddo kordhinta iyo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka Doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Galmudug iyo HirShabeelle oo caddeeyay mowqifkooda muddo kordhinta

MUQDISHO, Soomaaliya - War Saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhacdoyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxayna u tacsiyeeyeen dadkii dhibaatadu soo gaartay.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen, dagaallada Caasimadda ka curtay, waxayna labada maamul isla garteen in dalka ay ka dhacdo doorasho iyagoo ka soo hor jeestay muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha Dowladda Fadaraalka.

Labada Maamul waxa ay sheegeen in ay doonayaan in la qabto doorasho lgu wada kalsoon yahay, laguna laabto Heshiiski 17-kii September.

Galmudug iyo HirShabeelle, waxa ay ka soo hor jeesteen wax kasta oo ka hor imaanaya heshiiskii doorasho ee Muqdisho lagu gaaray 17-kii September 2020.

Dowlad goboleedyada iyo Madaxda Dowladda Fadaraalka ee waqtigu ka dhamaaday ayay ugu baaqeen in ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hiegalinta heshiirkii 17-kii September.

Ciidamada Dowladda ayay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed ayay sidoo kale ugu yeereen in ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo khatar ku ah amniga.

Ugu danbeyn Beesha Caalamka ayay uga mahad celiyeen teegeerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.