Galmudug: Ciidamadii la dagaalami lahaa Al-Shabaab oo ka cabanaya mushaar la’aan 

Deegaanada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay xaalado kala duwan, iyadoo ay maanta ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay xirteen waddada laamiga ah

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Ciidamadii la dagaalami lahaa Al-Shabaab oo ka cabanaya mushaar la’aan 

GALINSOOR - Magaalada Galinsoor ee katirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay gadood ciidan kaasoo sababay in la xiro waddada laamiga ah ee isku xirta gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Ciidamo ku xareysnaa xerada Dhaankaroone ee maamulka Galmudug uu gacanta ku hayo ee ku taal duleedka Galinsoor ayaa waxay ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq la'aan, iyagoo sheegay in muddooyinkii u dambeeyay aysan helin xuquuqaadkii ay ku lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay ka tirsan yihiin.

Deegaanada Galmudug toddobaadyadii ina soo dhaafay waxaa ka dhacay falal la xiriira amni darro, kuwaasoo lagu qarxiyay saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug, sidoo kalena lagu beegsaday xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo, iyadoo kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ay toddobaadyo qarxinayaan magaalooyinka Galmudug, sidoo kalena ciidamada dowladda ayaa iyagana markooda waxay xiraan waddooyinka, waxa ayna ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq la'aan.

Waddada laamiga ah ee ay xireen ciidamada ayaa ilaa iyo saacado xiran, wax kala hadlayna ma jiraan ciidamada, hayeeshee rag is abaabulay ayaa waxay ku howlan yihiin in ay farriintooda u geeyaan madaxda ugu sarreysa Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.