Galmudug oo Dekadda Hobyo Tijaabo ku sameysay

Dekadda Magaalada Hobyo ayaa maanta waxaa kusoo xirtay markab siday cunto, bagaash, qalab dhismo iyo Gawaari.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo Dekadda Hobyo Tijaabo ku sameysay

HOBYO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku guuleystay in tijaabadii ugu horreysay in muddo ah kaddib lagu guuleystay in Dekadda laga soo dago Agab nuucyo kala duwan iyo Gawaari kuwaasoo maanta si rasmi looga soo dajiyay magaala xeebeedka Hobyo ee katirsan gobolka Mudug.

Wasiirka Dekadaha iyo Kalluueysiga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in lagu guuleystay tillaabadii ugu horreysay ee lagu dhaqaajinayo sidii Dekadda Hobyo wax loogala soo dagi lahaa, inta laga gaarayo Dekad dhammeystiran ayuu sheegay wasiirku in la isticmaali doono hab macmal ah kaasoo ah in Shactar uu kasoo dajiyo alaabaha Markabka, kaddibna dooni lagu soo daabulo sidaasna bannaanka xeebta lagu keeno,

Isku day sidan oo kale ah ayaa horay loo sameeyay, waxaana intii uu joogay madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed intii uu joogay lagu guuleystay in sidan oo kale loola soo dago alaabaha muhiimka si looga maarmo dakadaha kale ee la isticmaalo, hayeeshee Shactarkii ayey baddu liqday kaddib markii ay dabeylo xoog leh ku kaceen, xilli lagu guda jiray dajinta alaab saarneed markab kasoo shareecday magaalada Dubey ee waddanka Isu tagga Imaaraatka Carabta.

"Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, Doonnidan oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah." sidaas waxaa yiri Wasiir Saabir Shuuriye wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug.

Waxa uu sii raaciyay "Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah". Wasiirka ayaa u mahadcelinayaa ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxa uuna baaq codsi ah u diray ganacsatada reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.