Galmudug oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan billowday

Ciidamo ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay deegaano ay dhawaan weeraro kusoo qaadeen kooxda Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan billowday

HOBYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray maantay difaacyada ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada qalabka sida ee isugu jira mileteriga Qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya dadka deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca kooxda Al-Shabaab oo weerarro kusoo qaaday deegaanadaasi bilihii u dambeeyay dad badanna ku dilay, hubna ku furtay.

Wasiirka amniga Axmed Macallin Fiqi oo maalmihii la soo dhaafay ka waday deeganadaas abaabul is-difaac iyo in deegaanada Galmudug laga xoreeyo kooxaha argagixisada hororka ah oo dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka Galmudug, ayagoo ciidamada kula dardaarmay in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaanadaan oo ay marar kala duwan dhibaato ka geystay maena ay ku jabeen.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Bacaadweyn iyo Wisil ayaa welwel xoog leh waxay ka qabaan dhibaatooyin kaga yimaada kooxda Al-Shabaab waxa ayna soo dhaweeyeen ciidamada amniga ee soo gaaray deegaanadaas iyo madaxda la socota ee Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay bilihii u dambeeyay in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhinaca Amniga sida dagaal beeleedyo soo noqnoqday iyo weerarro aan kala go" lahayn oo kooxda Al-Shabaab ka imaanayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.