Galmudug oo guddi u xilsaartay dilkii 6 -da Sarkaal

Sida lagu caddeeyay war kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa magacaabay guddi daba-gal ku sameeya dhacdadii lagu laayay 6 Sarkaal oo Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo guddi u xilsaartay dilkii 6 -da Sarkaal

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaa lagu laayay lix sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay maamusho Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa falkaas argagaxa leh ee dhacay 9/12/2020 oo dil loogu geystay saraalkii ka tirsanayd ciidanka XDS ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa u magacaabbay guddiga xaqiiqo raadin & Baaris si loo helo baaritaan dhab ah oo la xiriira dhacdadaas.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Mudane Cabdi Maxamed Jaamac

Waxaa kaloo xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, iyo Balanbal.

Dhacdadii lagu laayay saraakiisha inta udhaxaysa Balambale iyo Guriceel waxaa lagu tilmaamay fal aan ku wanaagsaneen diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida midna. Talyiyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Odowaa ayaa ku tilmaamay falkaasi mid argagaxiso oo aan loo aaneyn karin qabiil, waxa uuna ku eedeeyay fal ay geysteen kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.