Galmudug oo guulo ka sheegatay dagaallada ka socda Mudug

Maamulka Galmudug ayaa guulo ka sheegtay howlgal maalitii shanaad galay oo ka socda koofurta Gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo guulo ka sheegatay dagaallada ka socda Mudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo is garabsanaya ay guulo ka gaareen dagaallo muddo tododaad ku dhow ka holcayay degaannada Koofure ee Gobolka Mudug.

“Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Galmudug.

Dagaalladdan oo biillowday, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab, weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaadeen degaanka Wisli, ayaa u muuqda mid ka duwan kuwii hore, waxaana la soo warinayaan in qeyb ka mid ah ciidamada huwanta ah uu hoggaaminayo, taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Joon).

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, (Qoorqoor), ayaa muddo ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaana degaannada dagaalku ka socdo lagu arkay Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, iyo Madaxweyihii hore Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Howlgalkaan, oo la sheegay in uu billow u yahay dadaallo Galmudug looga xoreynayo Al-Shabaab, ayaa la soo warinayaa in laga gaaray guulu degdeg ah, waxaana ciidamadu ku sii dhowyaan degaannada Caad iyo Camaara.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.