Galmudug oo ku guul darreystay xallinta ciidamo gadoodsanaa

Maamulka iyo madaxda sare ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guul darreystay qancinta ciidamo gadoodsanaa oo la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo ku guul darreystay xallinta ciidamo gadoodsanaa

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Galmudug oo u la ciir-ciireysa xaalad amni xumo ayaa waxaa ugu darsamay gadood ciidan kaddib markii lasiin waayay mushaaraadka ciidanka milatariga Soomaaliya ee Dhuusamareeb.

Ciidamadan Milateriga aha ee gadoodsanaa ayaa la wareegay degmada Matabaan, waxa ayna ka tabanayeen mushaaraadkoodii oo aan lasiin iyagoo la wareegay barkoontarol oo ku taala duleedka Magaalada

Galmudug ayaa ku hawlanayd qancinta tabashada ciidamada ka tirsan Guutada 15-aad ee Ciidanka Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, bishan aynu ku jirno 7-deedii ayay la wareegeen Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan iyagoo ku andacoonaya in mushaar ka maqan yahay dhawr bilood, waxaana haatan lagu guuleystay in qeyb kamida ciidamadaasi la xalliyo tabashadooda, qeyb ka mid ahna lagu guul darreystay in la qanciyo.

Guddi uu horkacayay Gudoomiyaha Guriceel Faarax Fataate ayna ku jiraan Xildhibaanada kala ah Mursal Xeefow iyo Cabdulqaadir Juun Barre oo ay Galmudug arintaas u xilsaartay ayaa Ciidanka oo mushaarkooda la siiyay ku guuleystay in ay Magaalada guhaheeda ka saaraan balse garab ka mid ah ciidankaas oo aan weli qancin ayaa koontaraal cusub dhigtay halka loo yaqaano Dhisaqa oo duleedka degmada Matabaan ah.

Tanina waxay u muuqataa dhibaato kale oo hor leh taasoo ay ku guul darreystay Galmudug xallinteeda, waxayna sababi kartaa in dagaal uu ka dhaco, mar haddii ciidamadii hubeysnaa ay joogaan bar koontarool iyagoo mushaar la'aan ka cabanaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.