Galmudug oo qirtay in Al-Shabaab ka qabsatay Gaadiid dagaal

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin, wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dishay askar badan, sidoo kalena saldhigga ay qabsatay kala baxday gaadiid dagaal iyo hub aad u fara badan.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo qirtay in Al-Shabaab ka qabsatay Gaadiid dagaal

GAALKACYO, Soomaaliya - Mas'uul katirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ka qabsatay Ciidamada dowladda Soomaaliya saldhig ku yaalla Bacaadweyne, oo dhaca Koonfurta Mudug.

Axmed Daahir, oo ah gudoomiyaha degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala baxday xerada Ciidan 6 gaari oo ay ku rakibanyihiin qoryaha culus, 2 gaari oo ay ku rakibanyihiin Zuugag, 3 Cabdi Bile oo dhashiikayaal saaran iyo gaari ku xiran qoriga B10-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.