Galmudug oo saxiixday Heshiis lagu dhisayo dekadda Hobyo

Galmudug ayaa qorsheynaysa sidii ay ku dhisi lahayd dekadda Hobyo, waxaana dekaddaan ay tahay mid muhiim u ah maamulkaasi

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo saxiixday Heshiis lagu dhisayo dekadda Hobyo

Maamula Galmudug ayaa maanta wuxuu magaalada Muqdisho heshiis kula galay shirkadda Oriental Terminal oo ah shirkad ka shaqeysa arrimaha dekaddaha, waxaana ay ka kooban tahay Saddex shirkad oo laga kala leeyahay Soomaaliya, Turkiga iyo sidoo kale Ingiriiska.

Heshiiskan oo la xiriira dhismaha iyo horumarinta dekadda Hobyo, ayaa mas'uuliyiin Galmudug ah waxay la kulmeen madaxda shirkaddan, waxaana ay kala hadleen howlaha ay uga baahan yihiin in looga qabto dekadda Hobyo.

Cabdisaabir Nuur Shuuriye, wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo kalluumeysiga ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiiskan u saxiixay maamulka Galmudug.

“Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo uu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah” ayuu yiri Wasiir Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Galmudug ayaa qorsheynaysa sidii ay ku dhisi lahayd dekadda Hobyo, waxaana dekaddaan ay tahay mid muhiim u ah maamulkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.