Galmudug oo war kasoo saartey howlgalka Mudug

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in duqeyntii dhacday shalay ahayd ahayd mid lagu taageerayay Ciidanka dhulka kula dagaalamayay Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo war kasoo saartey howlgalka Mudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - War kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug.

Qoor-Qoor ayaa ku faanay in howlgalka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xoog leh, islamarkaana laga saarey degaanno dhowr ah oo ay kamid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara, oo kamid ahaa meelaha ay sida aadka ugu xooganayd Kooxda.

Sidoo kale, wuxuu Qoor-Qoor ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday degaanka kamid ah Mudug, taasoo kagu dilay sida la sheegay 50 xubnood oo kamid ah Al-Shabaab oo ajnabi ay ku jiraan.

“Howlgallada ayaa ahaa kuwo guul lagu gaaray si aan  uga xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday koonfurta gobolka mudug halkaas oo ay iskaga kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska ee Danab iyadoo ciidamada Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana  Ujeedada duqeynta ay aheyd in la ilaaliyo ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah oo ku wajahan cadawga weeraradana si guul leh ayaa loo qabtay maadaama aysan waxyeelo soo gaartay dad rayid ah," ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Howgalka socda waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, taliyihii hore ee booliska Muqdisho Saadaq Joon oo uu la socdo taliyaha Ciidanka lugta ee dowladda Soomaaliya, waxaana dhanka cirka ah ka taageeraya Mareykanka diyaaradihihiisa drones-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.