Galmudug oo xukun ku ridday nin kufsaday gabar lix jir ah

Qareennadii difaacayay eedeysanaha ayaa maxkamadda ka dalbaday in loo qafiifiyo xukunka, iyada oo la eegayo qiraalkiisa.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo xukun ku ridday nin kufsaday gabar lix jir ah

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun isugu jira xabsi iyo ganaax ku riday Maxamed Cabdi Dhoorre oo  lagu helay in afduub iyo kufsi uu degaanka Godinlabe ugu geestay gabar yar oo lix sanno jir ah.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay in Dhoorre uu falka Kufsiga ah uu u geystay 19-kii bishan August, Farxiyo Cali Maxamed oo lix jir ah, isla-markaana uu u geystay dhaawac halis ah.

Cabdixakiin Maxamed Xirsi oo ah xeer-ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud, ayaa sheegay in eedeysanaha uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, isaga oo sidoo kale maxkamadda horkeenay caddaymaha marag furka u ah kufsiga uu ninkan geystay.

Qareennadii difaacayay eedeysanaha ayaa maxkamadda ka dalbaday in loo qafiifiyo xukunka, iyada oo la eegayo qiraalkiisa.

Garsooraha Maxkamada gobolka Galgaduud, Axmed Salaad Kullane, ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in maxkamadda ku xukuntay Maxamed Cabdi Dhoorre shan sanno oo xabsi ah iyo in uu bixiyo labo halaad oo dhiiga gabadha uu kufsaday.

Falkan anshax-xumida ah ee lagula kacay dhibane Farxiyo Cali Maxamed oo lix jir ah ayaa qeyb ka ah dambiyo ka-dhan-ah haweenka, inkasta oo gabdhaha yaryar ee loo geysto tacadiyadda jinsiga ay soo kordhayeen sannadihii dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.