Galmudug oo Cambaareysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid

Gaalkacyo (KON) - Galmudug ayaa ka soo horjeestay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii Xildhibaano ay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Warar Keydmedia Online
Galmudug oo Cambaareysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid

Wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka Galmudug Axmed Maxamed Xasan Baasto ayaa sheegay in in ay cambaareynayaan Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saacid.

Baasto ayaa sheegay in Madaxda iyo Shacabka Galmudug ay kasoo horjeedaan Ragga Qaska wada, wuxuuna ku baaqay in la Taageero Horumarka iay gaartay Dowlada Federaalka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay wax badan qabatay, sidaa aawgeed aan Xilligaan loo baahneen in laga soo gudbiyo Mooshin ka dhan Xukuumadda Soomaaliya isagoo ugu baaqay Xildhibaanada wada Mooshinkaani in ay Joojiyaan.

"Dowladu waxeey meteshaa ummadda Soomaalyeed iyadoo heysata Aqoonsi Caalami ah ayeey gaartay guulo wax ku ool ah waxaana xaqiiqdii dhab ah in golaha xukuumadu ay abuureen horumar la taaban karo oo ay ka mid tahay qaadistii cunaqabateynta,  buuritaanka xiriir caalami ah oo Soomalaiya la yeelatay caalamka intiisa kale’’ ayuu yiri Wasiirka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Baarlamaanka horgeeyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.

Dokumentiyo soo gaaray Xafiiska Keydmedia Online ee Nairobi ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.