Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada ayaa Ninkaan ka qabtay Xaafad ku taala Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug,waxaana la sheegay in uu watay Qaraxyo ay ku jiraan Miinooyin iyo Bamka Gacanta laga Tuuro.
Aweys Cali saciid oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen kadib markii ay Heleen Xog Shacabka Gaalkacyo ay u soo gudbiyeen.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug lagu hayo Ninkii Ciidamadu ay qabteen islamarkaana Su’aalo la weydiinayo.
Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa Mudoyinkan Howlgallo ka waday Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo Amaanka lagu xaqiijinayo.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments