Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Wasiir ku xigeenka Amniga Galmudug Axmed Baasto ayaa sheegay in ay dadkaasi xoog ku soo furan doonaan isla markaana iminka ay gacanta ku hayaan dad lala xiriirinayo Falkaasi.
Eedeysanayaasha la hayo ayaa waxa ay yihiin kuwa ka shaqeynayay Hey'add DDG ee shaqaalaheeda la qafaay. waxaana labada shaqsi oo u kala dhalatay Maraykanka iyo Denmark ay kala yihiin Rag iyo dumar.
Qofka Ragga ah oo u dhashay Denish ayaa la sheegay inuu 60 sano jir yahay halka gabadha oo ameerikaan ah ay da'deedu tahay 32 sanadood.
Labadan shaqsi ayaa laga qafaalay garoonka diyaaradaha Galkacyo xili ay isu diyaarinayeen in ay ka dhoofaan halkaasi.
Keydmedia.net - Xafiiska Gaalkacyo
Add comment
Comments