Bashiir Raage Shiiraar oo ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa geeridiisa la xaqiijiyay Allah u naxariistee Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar mid kamid ah hoggaamiye kooxeedyadii ugu caansanaa Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Bashiir Raage Shiiraar oo ku geeriyooday Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Allaha U naxariistee, waxaa saaka Magaalada Mugdisho ku geeriyooday ganacsade Bashiir Raage Shiiraar, oo ka mid ahaa ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ugu caansan Koofurta Soomaaliya.

AUN, Bashiir Raage, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Caasimadda, wuxuuna ugu danbeyn u geeriyooday xanuun la xariira dhanka wadnaha.

Bashiir, wuxuu ka mid ahaa ganacsatada caanka ah, isla-markaana wuxuu xubin ka ahaa Isbahaysigii soo celinta nabad-gelyada iyo la dagaalanka argagixisada, kuwaas oo Mareykanku taageerayay 2006-dii.

Wuxuu qeyb ka soo noqday dowladihii KMG ahaa, wuxuuna xilli ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.