Ganacsade Soomaaliyeed oo in muddo ah lagu la’yahy Koofur Africa

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa wajaheysa dhibaatada ugu badan ee mowjadaha ajaanib necebka ah ee ka dhanka ah muhaajiriinta ku sugan dalkaas.

Warar Keydmedia Online
Ganacsade Soomaaliyeed oo in muddo ah lagu la’yahy Koofur Africa

South Africa - Cabdullaahi Bootaan Saruurow, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa, ayaa nolol ama geeri middood la la’yahay in mudoo ah, waxaana la waayey saddex cisho ka hor.

Sida wararku sheegayaan Bootaan, ayaa la waayay kadib markii uu gaari xamuul ah ku qaaday, alaab ku sii jeedday Thabazimbi oo qiyaastii 146KM u jirta magaalada Brits oo degaan u ahayd.

Soomaalida ku ganacsata waddankaasi Koonfur Afrika ayaa inta badan waxay la kulmaan dil iyo dhac, iyadoo dowladda Koomfur Afrika aysan waxba ka qaban arrintaan oo soo noq-noqtay, muddo sanado ahna ka socotay guud ahaan waddankaasi Koonfur Afrika.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa dhawaan xaqiijiyay in ugu yaraan 25 muwaadin oo Soomaali ah lagu dilay dalkaas tan iyo bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.