Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa

Soomaali badan ayaa horey sidan oo kale loogu dilay gudaha wadanka Koonfur Africa.

Warar Keydmedia Online
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa

CAPE TOWN, South Africa - Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxa ay magaalada Cape Town ku dileen ganacsade Soomaaliyeed, xilli uu howlihiisa shaqada ah ku jiray.

Raggan ayaa weerar ku qaaday Dukaan uu lahaa ganacsadahan oo lagu magacaabayey Maxamuud Maxamed Aadan, waxaana la sheegay in dhowr xabad ay ku dhufteen, iyaga oo sidoo kale dhac u geystay dukaanki.

Booliiska ayaa goobta falkan uu ka dhacay gaaray, kuwaas oo baaritaan sameeyay, hase ahaatee raggii wax dilay ayaa goobta isaga baxday.

Koonfur Africa ayaa ah wadan aad loogu ugaarsado ganacsatada Ajaaniibta ah oo Soomaalida u badan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.