Ganacsade lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON) - Koox hubaysan oo aan la garan Heebtooda ayaa Xalay ku toogtay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, mid kamid ahaa Ganacsatada ugu caansanaa Magaalada.
Warar Keydmedia Online
Ganacsade lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Ninka Ganacsadaha ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Macalin, waxaana Dilkiisa fuliyay Rag Bastoolado watay oo Goobta ka baxsaday, sida ay Dadka Deegaanka xaqiijiyeen.

Allah ha u naxariistee Marxuum Xuseen Macalin waxaa la toogtay xili uu kasoo baxay Xalay Fiidkii, Goob Ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, lama oga cid dishay & Sababta loo dilay illaa hadda, balse Ciidanka Amaanka Maamulka Puntland ayaa wado Baaritaano.

Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, oo maamulkeeda uu hoostago Puntland ayaa inta badan waxaa ka dhaca Dilal Qorsheysan oo ka dhanka ah Mas'uuliyiin & Ganacsatada. Ciidanka Maamulka ayaa Maanta Howlgallo ka samaynaya Xaafadda oo Dilka Xalay ka dhacay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho