Ganacsatada Bakaaro oo ka fakareysa amar ka soo baxay Shabaab

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Ganacsatada Suuqa bakaaraha ayaa xiligan waxa ay si weyn ugu mashquulsan yihiin ka fakarka amar cusub oo uga yimid dhanka kooxda shabaab ee maamusha suuqa bakaaraha iyo deegaanada ku xeyndaaban.
Warar Keydmedia Online
Ganacsatada Bakaaro  oo ka fakareysa amar ka soo baxay Shabaab

Arintan ay ka fakarayaan ganacsatada ayaa ah amar ay shabaabka soo jeediyeen oo sheegaya in ganacsatada laga doonayo in ay dhisaan wado qarda jeex ah oo ka baxda deyniile tagtana duleedka Muqdisho taasoo shabaabku ay doonayaan in ay u adeegsadaan isu gudbinta sahayda ciidan maadaama dhamaan wadooyinkii caanka ahaa ee Muqdisho ay xirmeen.

Ganacsatada waxa ay sheegeen in bixinta qarashka dhismaha ku baxaya aanay awood u laheyn isla markaana ay walaac badan ku heyso amarka shabaab oo ah mid aan laga fursan Karin fulintiisa, waayo Alshabaab ayaa inta badan dadka ka dhaga adeega amaradooda waxa ay kula kacaan falal arxan daro ah.

Dhanka kale waxa ay shalay ka toogteen dhabarka  kooxda shabaab Seddex qof oo ka soo baxday suuqa bakaaraha kuwaas oo  ku soo lugeynayay xaafada tookiyo ee degmada H.wadaag.

 WWW.KEYDMEDIA.NET