Ganacsatada Shidaalka oo ka cabanaya Maamulka Faroole

Muqdisho (KON) - Qaar kamid ah ganacsatada deeganada Maamulka Puntland ayaa eedeen kulul dusha kaga tuuray Madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Warar Keydmedia Online
Ganacsatada Shidaalka oo ka cabanaya Maamulka Faroole

Maxamuud Cali Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Shidaalka ayaa wuxuu ku eedeeyay Maamulka Faroole in uu ka joojiyay ganacsigoodii isla markaana shirkado gaar ah uu u ogolaaday in ay shidaalka keenaan Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay ganacsadahani in saameyn weyn ay ku yeelatay ganacsatadooda joojinta shidaalkii ay ka keeni jireen dalka Yemen oo uu sheegay in noloshooda ay ku tiirsanayd.

Maamulka Puntland ayaa showaan qaatay talaabo uu ku joojinayo shidaalka laga keeni jiray wadanka Yeman taasi oo uu maamulku u sababeeyay in la doonayo in hoos loo dhigo qiimo koror ku yimid qiimaha la iibiyo shidaalka.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho