Ganacsatadii Hore Ee Bacadlaha Xamar Weeyne Oo Eedeeyay Guddoomiye Tarsan

Muqdisho (KON) - Ganacsatadii hore ee Bacadlaha Suuqa Xamar Weeyne oo Kulan ku yeeashay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay uga hadleen Dhac ay sheegeen in Dawladda Hoose ee Xamar ay ku haysato Hantidooda gaar ahaana Bacadlihii Xamar Weeyne.
Warar Keydmedia Online
Ganacsatadii Hore Ee Bacadlaha Xamar Weeyne Oo Eedeeyay Guddoomiye Tarsan

Ganacsatadan ayaa intaa ku dartay in Dukaamo ay halkaa ku lahaayeen laga Iibiyay dad kale oo Lacago fara badan looga aruursaday waa sida ay hadalka u dhigeene taasoo ay sheegeen inuu amarkaasina bixiyay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur tarzan,

Kulanka markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay af hayeenka Guddiga bacadlaha Xamar Weeyne Xasan Nuur Sabiye oo sheegey in si sharci darro ah uu Guddoomiyaha Gobolka uga Iibsaday Shirkado iyo dad kale oo uu Lacago ka qaatay

Af hayeenka ayaa intaa ku daray in tarzan boob aan loo meel dayin uu ku hayo Bacadlaha isagoona ugu baaqay Madaxda ugu sarreysa dalka in arrintaasi deg deg ay ku soo fara geliyaan isla markaana Tarzan ay ka celiyaan boobka uu ku hayo hantidooda

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyaha Barlamaanka iyo cid kasta oo wax ka qaban karta boobka uu Tarzan ku hayo hantida ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaana ganacsatadii uu ka gubtay suuqaas sanadkii 1983dii waa in ay wax ka qabtaan ayuu yiri af hayeenkaas u hadlay ganacsatadii Bacadlihii xamar Weeyne ee xaqoodii la duudsiyay iyagoona weeydiisnaya in Guddoomiyaha Gobolka laga joojiyo dhaca iyo boobka uu ku hayo Hantida Dad weynaha

Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waa in sedaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dalka ayan yaraysan warkeena oo si deg deg ah nagu soo gaaraan waxna ka qabtaan boobka lagu hayo hantideena

Ugu danbayntiina waxaa halkaa ka hadlay iyaguna Cabdi Salaad xasan iyo Muxyidiin Iidoow Warsame oo ka mid ahaa ganacsatadii uu suuqa bacadlihii Suuqa Xamarweeyne ka gubtay 1983dii kuwaas oo iyaguna sheegay in dhac bareer ah uu ku hayo Tarzan dukaamo ay ku lahaayeen Bacadlaha iyagoona intaa raaciyay in kulan ay la qaateen tarzan uu ugu Caga jugleeyay inuu Xirayo haddii ay isku dayaan inay mar kale kala hadlaan arrinta Bacadlaha.

Isku soo duuboo doodda Bacadlaha ayaa ahayd mid taagan muddooyinkii u danbeeyay

Keydmedia Online - Nairobi // Wadanka