Ganacsiga Cadaado oo maanta xiran

Ganacsatada ayaa ka carreysan dhiibista canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Warar Keydmedia Online
Ganacsiga Cadaado oo maanta xiran

Waxaa maanta gabi ahaamba xiran xarumaha ganacsiga ee degmada Cadaado gobolka Galgaduud, waxaana ganacsatadu ay ka gadoodeen canshuur dheeraad ah oo ay kusoo rogtay wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Shacabka cadaadi ayaa maanta la' meel ay wax ka iibsadaan, waxaana sidoo kale jirin hadal kasoo baxay maamulka degmadaasi iyo wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Tani ayaa saameyn weyn ku reebtay ganacsigii degmada iyo sidoo kale dadka rayidka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.