Ganacsiga magaaladda Marka oo Cabsi darteed loo xiray

Dhac xoog leh ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socda magaaladdan oo Caasimad u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Ganacsiga magaaladda Marka oo Cabsi darteed loo xiray

MARKA, Soomaaliya - Waxaa gebi ahaanba xiran Maanta Ganacsigii ka jiray magaaladda Marka, ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii sida la sheegay ay kusoo bateen dhaca iyo boobka lagu hayo.

Dadka Ganacsatada ayaa sheegay in burcad hubeysan ay billowday inay dhac u geysato goobaha Ganacsiga, iyadoo magaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dadka degan Marka oo u badan Beelaha laga tirada badan yahay [Gibil-Cadka], loo yaqaano ayaa qaylo-dhaan ka muujiyay xaalada amni darro ee kusoo korartay magaaladdan dekeda leh, oo qiyaastii 111-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

Dadka qaar oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in askarta dowladda oo dharka soo bedeshay ay sameynayaan dhaca Ganacsiga, maadaama ay arkaan dayaca amni iyo dadka degaan ee aan codka iyo awoodda lahayn.

Marka waxay dowladda la wareegtay 2014, laakiin Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr jeer la wareegtay oo mudo kooban maamushay, iyadoo ay wali ku sugan tahay duleedka magaaladda, oo xili kasta ay gali karta.

Magaaladda waxay kamid tahay degmooyinka go'doonsan ee gobolka, waxayna dadka degaanka dhibaato ku qabaan wadooyinka xiran, dhaca loo geysto iyo canshuur xad-dhaafka oo Maamulka gobolka uu ka qaado.

Dowladda Soomaaliya ee Farmaajo majaraha u haya ayaan ka warheyn degmooyinka ka baxsan Muqdisho, oo dadka degan ay ku jiraan xaalad amni darro, go'doomin iyo boob ay ka wadaan Ciidamadeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.