Ganacsiga Baydhabo oo hakad galay

Baydhabo (Keydmedia) - Kadib markii lagu Arkay magaalada Baydhabo Miino taala meel u dhow Xarumaha Shirkadaha Xawaaladaha ee bartamaha Magaalada ayaa albaabada loo xiray Ganacsiga Magaalada Baydhabo.
Warar Keydmedia Online
Ganacsiga Baydhabo oo hakad galay

Miinadan ayaa lagu arkay meel u dhow xarumaha shirkadaha xawaaladaha ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Waxana Wararka ay sheegayaan in halkaas ay gaareen qaar katirsan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa soomaalida ah, waxaana halkaas ka cararay dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa agagaarka shirkadaha xawaaladaha kadib markii ay soo baxeen wararka tilmaamaya miinada la dhigey wadadaas.

Guud ahaan isu socodkii gaadiidka ayaa ka istaagay wadadaas iyadoo lagu amaray dadkana inay isaga fogaadaan.

Shalay ayay ahayd markii miino la dhigey Suuqa weyn ee magalada Baydhabo ay ku qaraxday dad u badan rayid iyadoo inkabadan toban ruux ay ku dhinteen halka tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho