Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah dhalinyarada lamarin habaabiyay ee shabaabka daacada u ah in ay saaka amreen gabi ahaanba in ganacsiga Halgan iyo Waab-weyne lahakiyo, iyaga oo ku andacoonaya in ay baarayaan ragii kadabeeyay weerar gaadma ah oo mid katirsan kooxda Shabaab lagu khaarijiyay habeenkii xalay ahaa.
“Xiritanka ganacsigu waa mid saameeyay dadka deegaanada Halgan iyo Waab-weyne, waxaana saaka amar nagu siiyay in aan ganacsiga joojino Al-shabaab,” sidaa waxaa yiri mid kamid ah ganacatada deeganada Shabaabku ay ganacsigii kakala dhantaaleen.
Kooxaha ku hardama siyaasada Soomaaliya ayaa iyagu waxa ay inta badan ku tuntaan xuquuqda shacabka ku nool meelaha ay kataliyaaan, waxa ayna ku sameeyaan wax kasta oo bini aadninimada kadhan ah, waxaana lagu sheegaa Soomaaliya mid kamid ah dalalka ugu horeeya ee xuquuqda aadanaha aan daryelin.
Add comment
Comments