Garabka Cabdi Xaashi oo ka hor yimid go’aankii RW Rooble

Garabka Siyaasiyiinta Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Godoomiyihii Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ka hor yimid doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka Soomaaliland ee 7-ada bishaan lagu qabanayo Teendhada Afisyooni.

Warar Keydmedia Online
Garabka Cabdi Xaashi oo ka hor yimid go’aankii RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida aan dhawaan baahinnay, Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray go’aanka kama danbeysta ah ee ku aaddan waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada gobollada waqooyi, taas oo loo maday sabtiga soo socda oo ku beegay 7-ada Agoosto 2021.

Go’aankaas ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, waxaa lagu sii xoojiyay war-saxaafadeed ka soo baxay Xaafiiska Rooble, oo uu ku saxiixan yahay Wasiiru Dowlaha Xaafiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Abshir.

Hayeeshee, siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland, ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdiilaahi, ayaa ka soo horjeestay in 11-ka ka xubnood is doortaan, waxayna RW Rooble, ku eedeeyeen in uu ka baxay ballan uu hore u galay oo la xariirtay tirooyinka is dheer ee labada daraf.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, (Maareeye) oo ka mid ah garabka Gudoomiye Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in aysan quseyn doorashada la qorsheeyay in lagu doorto Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland.

“Wixii aan ku heshiinnay Ra’iisul Wasaaraha, ee wadahalku ka socday, isla-markaana aan warqaddii Guddoomiyaha laga soo jawaabin, wixii hal dhinac sameeyo inagu shuqul kuma lihin”. Ayuu yiri Maareeye.

Cabdi Xaashi, ayaa shalay soo jeediyay in saga iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Guuleed noqdaan hoggaan wadajir ah oo maamula doorashada gobollada Waqooyi.

Wuxuu ku taliyay in labada garab si caddaalad ah loogu qeybiyo guddoonka guddiga, iyadoo dhinac la siinayo guddoomiyaga guddiga halka dhinaca kalana la siinayo guddoomiye ku xigeynka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in doorashada kuraasta Soomaaliland, lagu qabto hankarka ciidanka cirka, (Teendhada Afisyooyin) isla markaana ay ilaaliyaan ciidanka Booliska iyo AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.