Garoonka Diyaaradaha Bardaale oo dib u shaqo bilaabay

Itoobiya ayaan weli mag-dhow ka bixin diyaaraddii ay kusii ridday Bardaale.

Warar Keydmedia Online
Garoonka Diyaaradaha Bardaale oo dib u shaqo bilaabay

BAYDHABO, Soomaaliya - Garoonka diyaaradaha degmada Berdaale ee Gobolka Baay ayaa markii ugu horreysay Lix bil kadib si caadi ah u shaqo bilaabay, kadib markii bilahaasi hakad loo geliyey diyaaradaha sababo amni.

Diyaaraddii ugu horreysay oo rakaab siddey ayaa shalay ka degtay degmada Bardaale, sababta diyaaradaha aanay u tagi jirin degmadaasi ayaa ahayd kadib markii bishii May ee sanadkan diyaarad gargaar sidday ay soo rideen ciidamada Itoobiya.

Wafdi isugu jira Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Weriyeyaal iyo dad shacab ah ayaa shalay ka degay garoonka degmada Bardaale.

Guddoomiyaha Degmada Bardaale ayaa sheegay in garoonka degmada uu horay u shaqeyn jiray balse uu hakad galay muddo lix bilood kadib shilkii lagu rasaaseeyay diyaaraddii gargaarka siday ee ka soo degi rabtay garoonka degmada.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed oo ka hadlayay dib u howlgelinta garoonka degmada Bardaale ayaa sheegay inuu furan yahay garoonka hadda wixii ka danbeeyana u si caadi ah u shaqeyn doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.