Garoonka Diyaaradaha Galkacyo oo mudo kadib dib loo furay

Wararka Keydmedia.net ay heleyso Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegay in maanta dib uu u howl bilaabay Garoonka kadib markii mudo asbuuc ah ay howlihiisa hakad ku jireen.
Warar Keydmedia Online
Garoonka Diyaaradaha Galkacyo oo mudo kadib  dib loo furay

Howl hakinta garoonka ayaa waxa ay timid kadib markii maamul deegaameedkaasi uu is hor taag ku sameeyay in gudaha Magaalada ay gasho lacag ay keensadeen ganacsato deegaanka ah.

Waxaa la sheegay hada in maamulkaasi uu gabi ahaan afka u dhigtay lacagtii ganacsatada isla markaana waxaa la xaqiijiyay in shalay ay la wareegeen maamulkaasi lacagta, gaar ahaan kan ka taliya dhanka waqooyi ee Galkacyo.

www.keydmedia.net