Garwadeenadii Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo wajigabax kala kulmay Farmaajo

Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah ka sameeyo [khilaafka siyaasadeed], odaytinimana muujiyo.

Warar Keydmedia Online
Garwadeenadii Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo wajigabax kala kulmay Farmaajo

Muqdisho, September 24, 2021 – Wadahalkii iyo waanwaantii socotay maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagala kulmay wajigabax kadib markii uu Farmaajo soo istaagay shuruudo sadbursi ah ka biyo-diidan in dabacsanaan uu ka muujiyo soojeedintii guddiga waanwaanta ee uu hormuudka ka ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xili shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay rajo ka qabeen in khilaafka siyaasadeed lasoo afjaro, si dalka uu doorasho dadban ugu dareero. Beesha Caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay war-saxaafadeedyo ka soo saartay xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa labada nin ee dowladda Federaalka ugu sareysa, kuwaas oo iskuhaya arrimo dhowr ah, sida kiiska Ikraan Tahliil, magacaabistii wasiirka amniga iyo xilka-qaadistii taliyihii hore ee Nabadsugidda, Fahad Yaasiin.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna hogaamiyaha xisbiga Sahan, C/kariin Xuseen Guuleed oo arrintan uga hadlay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah ka sameeyo [khilaafka siyaasadeed], odaytinimana muujiyo.” Wuxuu intaas ku daray “Waa ku mahadsan yahay RW Rooble inuu muujiyey wax kasta oo tanaasul ah si xal loo helo ama dadka dadaalada wadahadal waday ay u soo quustaan.”

Guuleed oo hadalkiisii sii wata ayaa soo jeediyay talooyin: “Waxaa laga doonayaa dadkii wadahadalada waday inay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday. Sidoo kale waxaa laga doonayaa inay garab istaag buuxa u muujiyaan Raisu wasaaraha.” Sidoo kale ayuu ugu talo-jeediyay RW Rooble “Ra’isul wasaare Rooble waxaan u soo jeedinayaa inuu horay u socdo oo uu doorashada dardar galiyo, maadaama ay tahay wada kali ah ee isbadal keeni karta, dalka lagu samato bixin karo, cadaaladna lagu xaqiijin karo.”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa asna bartiisa Facebook kaga hadlay mowqifka uu istaagay Farmaajo iyo waxa laga doonayo RW Rooble si looga hortago af-duub ku yimaada geedisocodka doorashooyinka iyo isbadalka siyaasadeed ee looga fadhiyo in uu sameeyo RW Rooble.

“Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW [Rooble] ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey? Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa soo jeediyay talooyin ku aaddan qolyihii waanwaanta waday “Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo.”

Wasiirka Madaxtooyadda Galmudug, Cumar Shido ayaa isna ka hadlay fashilkii ku yimid waanwaanta. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu eedda dusha uga tuuray garabka Farmaajo, oo ahaa kooxdii diiday in ay muujiyaan dabacsanaan, kaas oo cadeeyay in wadalkii uu “…caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan.”

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo aad loogu yaqaan mowqifyadiisa siyaasadeed, taageero badanna ku leh baraha bulshada ayaa bartiisa Facebook uga hadlay khilaafka iyo natiijadii kasoo baxday waanwaanta. “Madaxweynaha Galmudug wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa iyo xalkii dhexe ee akhyaartii waan-waanta waday ay soo bandhigeen labaduba waxay ka socon waayeen oday Farmaajo, ka dib markii RW Rooble uu ogolaaday” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkiisa raaciyay talooyin ku aaddan RW Rooble iyo shacabka Soomaaliyeed “Haddaba waxaa muhiim ah in waqti danbe aan lagu lumin musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto, RW Rooble waxa la gudboon in waqtigiisa uu siiyo doorashada, lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta.”

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.