Gedo oo lagu dagaalamay

GEDO(KEYDMEDIA)Dagaalo qasaaro geystay ayaa mar kale waxay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Gedo oo lagu dagaalamay

Deegaanaada Raas Qode iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Gedo ayaa waxaa saaka laga soo sheegayaa in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo geystay qasaaro isugu Jiro Dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararka ay sheegayaan ilaa 10 ruux ayaa geeriyootay oo labadac dhinac ah dad kalena waay ku dhaawacmeen ka dib markii saaka mar kale dagaalo xoogan ay ka bilodeen deegaani hoostago degmada Garbaareey ee gobalka Gedo.

Dagaalka waxuu u dhaxeeyaa  Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Ahlu sunna oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Ahlu sunna ayaa keydmedia u sheegay inay deegaanada lagu dagaalamay iminka ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada iyo Ahlu sunna islamarkaana ay ka saareen Ciidamadii Alshabaab.

Wararka halkaa ka imaanaya ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in ciidamada Alshabaab ay ku sugan yihiin meel an sidaa kaga Fogeyn goobahii lagu dagaalamay.

www.keydedia.net