Gedo: Sarkaal Al-shabaab ah oo la dilay iyo Mid la qabtay

Baled-xaawo (KON) - Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay dileen Sarkaal Al-shabaab ah mid kalena ay Nololsha ku qabteen.
Warar Keydmedia Online
Gedo: Sarkaal Al-shabaab ah oo la dilay iyo Mid la qabtay

Cabdi Cali Max’ed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku sugan Degmada Baled-xaawo ayaa sheegay in Dagaal Maanta lagu qaaday Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Baledxaawo.

Waxaa uu intaa ku daray in Dagaal mudo qaatay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda uu dhexe maray islamarkaana Dagaalka Al-shabaab lagu Jabiyey.

“Ciidamadu waxaa ay Dileen Horjooge Al-shabaab ah oo Gobolka Caan ka ah,waxaa kale oo ay qabteen Sargaal kale, Cadaalada ayaan marsiin doonaan Dhagar qabaha Ciidamadu ay hayaan” Ayuu Yiri Cabdi Cali.

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed  Soomaaliya, inkastoo aysan jirin Cid madax banana oo Xaqiijinayesa Qabashada Horjoogaha ka tirsan Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho