Geelle: “Sanduuq kuma baxe si kale ayuu ku baxaa”

Afyaheenka Golaha Midowga Murshaixiinta, ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuu soo xiray rajadii doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Geelle: “Sanduuq kuma baxe si kale ayuu ku baxaa”

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu danbiile u yaqaan qofka ku soo hadal qaada doorasho xalaal ah oo la isla oggol yahay.

“Horey ayaan u sheegnay, Mohamed Abdullahi Farmaajo in lala tartamo inuu u yaqaanno dembi, ciqaabteeduna tahay dil”, Ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Musharrax Geelle, wuxuu tilmaamay in qofka kursiga ku fadhiya marka uu diido in lagu kala baxo santuuqa doorashada, lagu bixiyo hab kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sooyaalka taariikhduna waxa uu na barayaa sanduuq kuma baxe si kale ayuu ku baxaa, soo degdegtaa iyo soo daahdaaba".  Ayuu yiri Musharrax Geelle.

Muddo kordhinta ay maanta Golaha Shacabka u sameeyeen Ha’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta ayuu Safiirikii hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Sucuudiga Geelle, ku tilmaamay “Sanduuqi oo la diiday”.

Afyaheenka Midowga Murshaixiinta, ayaa ka mid ah musuuliyiinta aadka ugu celceliya in xaaladda murugsan ee Soomaaliya lagu xalliyo miiska wada hadalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].