Geelle: Shirka waan in ay ka qayb galaan Musharixiinta

Midowga Musharixiinta Soomaaliya, ayaa Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Rooble, ugu baaqay in shirka Wadatashiga uu noqdo mid loo dhan yahay oo Musharixiintu qeyb ka yihiin.

Warar Keydmedia Online
Geelle: Shirka waan in ay ka qayb galaan Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Midowga Musharixiinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, oo Warbaahinta kula hadlay Huteel Jasiira, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, laga doonayo inuu qabto shir loo dhan yahay oo guud ahaan Saamileyda Siyaaasaddu ka qeyb galaan.

“Midowga Musharixiinta waxa uu taageerayaa go’aanka uu Ra’iisu Wasaaraha ula wareegay qabsoomidda doorashooyinka iyo wadahadalka, rajo wanaagsan ayaa ka muujineynaa wadahadalka lagu ballansan yahay, waana in ay ka qaybgalaan Musharixiinta, Bulshada rayidka & dadka yaqaan dowladnimada kana soo shaqeeyay”. Ayuu yiri Geelle.

Musharrax Geelle, wuxuu sheegay inuu Golaha Midowga Musharixiinta ay wali garab taagan yihiin RW Rooble, uguna baaqayaan inuu ka faa’iideysto kalsoonida la siiyay, si hufanna uu u hoggaamiyo howlaha doorashooyinka.

Wuxuu meesha ka saaray wararka ah in madmadow soo kala dhex galay Musharixiinta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay waraaqda la sheegay in ay khilaaf ka dhex dhalisay Golaha uu soo saariddeeda wax ka ogaa, wuxuuna ku dooday in loo dhamaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.