Geerida Cismaan Caato / Warsaxaafadeed

Muqdisho (KON) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Tacsi u diray qoyskii, eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo Shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Geerida Cismaan Caato / Warsaxaafadeed

Madaxweynaha waxuu yiri “Geeridu waa xaq waxaanna eebe uga baryayaa in Marxuum Cismaan Caato uu ka waraabiyo janadii,qoyskii,ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhanna uu samir iyo iimaan ka siiyo”

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Tacsi tiiraanye leh u diray Eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Cismaan Caato.

Madaxweynaha Glmudug ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney iska cafiyaan marxuum Cismaan Caato maadaam uu muddo kusoo dhex jiray siyaasadda isagoo mar noqday mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan doonayaa inaan halkaan uga Tacsiyadeeyo Shacbiga Soomaaliyeed Guud ahaan Geerida timid Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee KMGka ahaa, waxaan doonayaa Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magacaga Xildhibaannada Golaha Shacabka inaan halkaan Tacsi gaar ah ugu diro Qoyska iyo Ehellada uu ka Geeriyooday Marxuumka” Ayuu yiri Jawaari.

Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid aheyd Wasiirkii howlaha guud iyo isagoo xubin ka ahaa Baarlamaankii KMGka ahaa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho