AFRICOM oo dooneysa in ay dib ugu soo laabato Soomaaliya

Madaxa ugu sarreeyay Taliska Mareykanka ee Afrika, (AFRICOM) Gen. Stephen Townsen, ayaa Maamulka Madaxweyne Joe Biden, ku riixaya in ciidamada dalkaas dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
AFRICOM oo dooneysa in ay dib ugu soo laabato Soomaaliya

WASHINGTON, USA - Lix bilood kadib markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, uu si lama filaan ah ciidamadiisa uga saaray Soomaaliya, Maamulka cusub ee Biden ayaa hadda wada qorshe dib loogu soo celinayo askartii Mareykanka dalka.

Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika, Gen. Stephen Townsen, ayaa hoggaanka ugu sarreeya Pentagon-ka u sheegay Talaadadii, in la joogo xilligii uu go’aan rasmi ah oo kama danbays ah uu ka gaari lahaa arrinkaan Pentagon-ka.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay adagtahay in tababarro, la talin iyo caawinaadba la siiyo ciidamada Soomaalida ayadoo meel fog laga hagayo.

Qiyaastii 700 oo askari ayaa ku suganaa Soomaaliya, ka hor amarkii Donald Trump, kuwaas oo taageerayay Ciidanka xoogga dalka oo dagaal ku dhawaad 15 sano socda kula jira Al-Shabab, oo ah kooxda ugu weyn uguna dhaqaalaha badan Al-Qaacda.

Mareykanka ayaa si toos ah ugu lug lahaa Militariga dalka, tan iyo markii maamulkii Madaxweyne Bush, uu markii ugu horreysay ogolaaday in duqeymo laga fuliyo Soomaaliya 2007-dii.

Ciidamadii laga saaray dalka ayaa intooda badan la geeyay waddamada Gobolka, duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaana wali sii socda.

Billowgii bishaan ayay ahayd markii uu soo baxay war sheegaya in Pentagon-ku uu wado hindise cusub oo la doonayo in tababarayaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka, loogu soo dirayo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Biden yimid Xaafiiska, waxaa is badalay qorshihii howlgallada Mareykanka, waxaana la faray Saraakiisha in aysan weerar qaadi karin iyaga oo aan soo war galin Aqalka Cad, taas oo sababtay in la diido dalabyo ka yimid taliska ciidamada ee Africa, kuwaas oo ahaa in la qaado weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.