Gen Tuuryare: “Haddii siyasiyiinti heshiiyeen saraakiishii ma heshiin”

Taliyihii hore ee NISA, Jeneraal, Cabdiraxmaan Maxamud Turyare, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan ciidanka, lana abaal mariyo saraakiishii hor is taagtay muddo kordhinta

Warar Keydmedia Online
Gen Tuuryare: “Haddii siyasiyiinti heshiiyeen saraakiishii ma heshiin”

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimahii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka, Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, ayaa sheegay in kadib Khudbadii Farmaajo, ay siyaasiyiintu isku soo dhawaadeen, maadaama laga laabtay muddo kordhintii hore loogu sameeyay ha’adaha Dowladda, wuxuuse farta ku fiiqay arrinta ciidamada wali is hor fadhiya.

“Khudbadii Farmaajo 80% waxay xallisay wixii isaga iyo siyaasiyiintu isku hayeen laakiin waxaa dhiman oo aan weli la xallin waxa ay isku hayeen saraakiishi & ciidamadi ka horyimid muda kororsiga dhicisoobay iyo kuwa u hiilinaayay sharci darradaas”. Aayuu yiri General Tuuryare.

General Tuuryare, wuxuu tilmaamay in xalka arrinta ciidamada uu ku xiran yahay sida uu ula falgalo Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, maadaama loo soo celiyay hoggaanka Amniga dalka iyo doorashooyinka qaranka.

“Xalka arrinkaas wuxuu imaan karaa maraka Ra'salwasaaruhu go'aanno geesinima leh oo mideynaya ciidamada uu qaato inta aan momentumku dilmin( nex 24 hrs) maadaama loo soo celiyay Mas'uuliyada  Amniga  horana uu dastuuriyan u lahaa amniga Dalka iyo kan doorashada.” Ayuu yiri Agaasimhii hore ee NISA.

Wuxuu xusay in mudda kororsiga uusan siyaasi kaliya diidin, oo saraakiisha iyo ciidamada qaranku hormuud u ahaayeen, loona baahan yahay in loo abaal gudo, howsha ay qaranka u qabteenna lagu abaal mariyo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Rooble, oo hadda la wareegay hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka ayuu ugu baaqay inuu su dhab ah ugu istaago xalka ciidamada, si dalku mar kale uga badbaado is ku dhacyo hor leh.

Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, wuxuu hore u soo noqday Madaxa baarista xarunta nabadsugida qaranka ee magaalada Muqdisho, Taliyaha maxkamada sare ee militariga iyo xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].