Gen. Samantar oo loo Magacaabay la-taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka?

Nairobi (Keydmedia) - Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu u magacaabay Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar la taliyahiisa Ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilkaasi oo yimid xilli ay ciidamadda TFG-da oo ay gacan siinayaan kuwa Amisom iyo ciidamadda Ethiopia ay Dagaal kula jiraan Maleeshiyaadka kooxda shabaabka.
Warar Keydmedia Online
Gen. Samantar oo loo Magacaabay la-taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka?

Xogtaan oo laga helay Saraakiisha Dowlada KMG ah, ayaa sheegay in magacaabistani ay ku soo beegantay iyadoo dhowaan uu Cali Samatar usoo diray hambalyo maalintii la aas-aasay - 12-April -  Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd Maalintii Khamiista aheyd ee la soo dhaafay, inkastoo xafladii sanad-guurada ciidamada aan laga xusin Muqdisho iyadoo laga baqday in mar kale uu halkaas ka dhaco Qarax.

Sareeyaha oo dhowaan dhinac iska mariyay dawac ay ku soo oogeen xubno dhaqaale-doon ah oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somaliya, kuwaasoo ku eedeeyay inuu difaacay qaranimada iyo karaamada dhulka Soomaaliyeed, iyadoo laga wada dheregsan yahay in xubno horey uga tirsanaa kooxdii Kacaanka ay ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Magacaabista Gen. Cali Samatar ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo loogu jiro in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada Xooga dalka oo dhowaanahaan guulo ka gaaray dagaalada ay kula jiraan kooxda Shababka, inkastoo la sheegay iney kala daadsanaan baahsan iyo nidaama la’aan ay la dageen Maamulka Ciidamada, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha Ciidamada iney sharafka iyo karaamada Ciidamada Somaliya dhowraan, wuxuuna soo dhoweeyay magacaabistaani. 

Sidoo kale Magacaabistaan ayaa ku aaday xili kooxda xiriirka Caalamka ee daneeyay arrimaha Somaliya ay culeyso ku saareen Maamulka Dowlada KMG ah iyo kan gooni goosiga ah iny wada hadalo isku soo horfadhiistaan ka hor intaan la gaarin shirka guud ee loo qabaanyo qeybaha Soomaalida kaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha Juun ee Sanadkaan.  


Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi // Wadanka