General Shub oo shubay

Gen Shub ayaa xilka loo magacaabey Aug 22, 2019, isagoo xilkaasi ahaa taliyaha Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo xaruntiisu tahay magaaladda Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
General Shub oo shubay

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxay ayaa sheegaya in taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano [Shub], lagu amray in uusan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin ilaa amar dambe.

Saraakiil katirsan hay'adaha amaanka DF ayaa u sheegay Keydmedia Online in taliyaha telephone laga soo wacay, loona sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay ilaa amar dambe.

Xogta KON heshay ayaa sheegaysa in amarkaas uu bixiyay Farmaajo, oo hadda dhexda uga jira fashil dhinacyada siyaasadda iyo amniga kasoo wajahay, isagoo sidoo kale cadaadis kala kulmaya magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Gen Shub ayaa xilka loo magacaabey Aug 22, 2019, isagoo xilkaasi ahaa taliyaha Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo xaruntiisu tahay magaaladda Baydhabo.

Weerarkii Xabsiga Dhexe shalay wuxuu banaanka soo dhigay tuhunkii ahaa inay jiraan Saraakiil katirsan laamaha amniga dowladda, oo la shaqeeya Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo mabaaxiista hub u dusiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.