Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Erayada Generel C/kariin Yuusuf Aadan kasoo yeeray ayaa waxaa laga dhadhansanayaa inuu ka xunyahay Tacdiyadaas loo geesanaayo Muwaadinka Soomaaliyeed, wuxuuna dhoor goor Muujiyay in Waxqabadkiisa ku wajahan la dagaalanka Argagixiasada uu yahay Mid daacad ah.
“Dadka Labiska Ciidanka beenta ah sisa waan ka hortagaynaa. Tallaabo ayaa laga qaadayaa, waxa weeye Kooxahaasi kuwa doonaya inay meel ugu dhacaan sharafka Ciidamada Xoogga” sidaasi ayuu yiri General Dhagabadan.
Dhegabadan ayaa waxa uu sheegay in tallaabo cad ay ka qaadayaan Maleeshiyaadka ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Dharka dareeska ay soo iibsadaan islamarkaana ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments