Guddigii doorashooyinka ee midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray

Guddigii badbaadada doorashooyinka qaran ee ay ku dhawaaqeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 oo qoraal soo saaray

Warar Keydmedia Online
Guddigii doorashooyinka ee midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii badbaadada doorashooyinka qaran ee ay ku dhawaaqeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 oo qoraal soo saaray.

Gududdiga ayaa aad usoo dhaweeyay soo jeedinta madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan ka qeyb galinta shirka saamileyda siyaasadda iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, waxayna guddigan kula taliyeen in madaxda dowladda ee waqtigoodu dhammaaday ay ku dadaalaan sidii dalka looga samata bixin lahaa xaaladda adag ee uu ku jiro.

Guddigan oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxay soo saareen in xal laga gaaro saddex qodob oo aad muhiim u ah kuwaasoo kala ah:

  1. Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.

  2. Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.

  3. Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

Guddiga badbaadada qaran waxaa horay usoo magacaabay golaha ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.