GMM oo RW Rooble ka dalbaday in uu qaado tallaabo deg-deg ah

Qoraal ay soo saareen ayay kaga dalbadeen Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaabo oo ku aadan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

Warar Keydmedia Online
GMM oo RW Rooble ka dalbaday in uu qaado tallaabo deg-deg ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharaxiinta oo kulan isugu yimid ayaa marka hore si wadajir ah waqrad ay soo saareen ku muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdada naxdinta leh ee ka fajicisay bulshada Soomaaliyeed, iyagoo qoyska, Ehelka iyo Astxaabtii Ikraan uga tacsiyadeeyay geerideeda.

Qoraal ay soo saareen ayay kaga dalbadeen Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaabo oo ku aadan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

  • in is beddel dhaqsi ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida.
  • in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda dhabta ah ee kiiskan.
  • in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsooni ay ku qabi karaan shacabka Soomaaliyeed oo la fajecsan falka dilka ah ee NISA ku sheegtay Al-shabaab in ay geysteen.

Halkan hoose ka akhriso warqadda ay soo saareen midwoga Musharaxiinta xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.