Go’aan laga soo saarey Kursiga Fahad Yasin

Faarax C/qaadir oo horey ugu fadhiyay Kursiga ayaa hadda laga yaabaa inuu helo fursad uu ku tartamo, waxaana HirShabeelle ay diiday in lagu laabto doorashadda kursigan.

News Keydmedia Online
Go’aan laga soo saarey Kursiga Fahad Yasin

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa soo saarey qoraal cusub, oo ku weydiistay Maxkamadda Sare in ay laasho dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin Hop086.

Maxkamadda ayaa loogu baaqey inay taageerto go'aanka Guddiga FEIT ee ah in dib loogu noqdo doorashada kursigaas, oo degaan doorashadiisu tahay Beledweyne, HirShabeelle.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu wado qaldan u maray dacwadda, oo ahayd inuu u gudbiyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashadda, oo uu baal-maray, taasoo dhaawacaysa sharciga dalka.

Faarax C/qaadir oo horey ugu fadhiyay Kursiga ayaa hadda laga yaabaa inuu helo fursad uu ku tartamo, waxaana HirShabeelle ay diiday in lagu laabto doorashadda kursigan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.