Go’aano kasoo baxay Shirkii Muqdisho

Mudo lix maalin ayuu socday kulanka, waxaana la filayay in qodobka amniga qaranka go'aan laga gaaro, oo Rooble la hoos-geeyo, balse ma dhicin taasi.

Warar Keydmedia Online
Go’aano kasoo baxay Shirkii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyay Shirkii mudada lix maalin Muqdisho uga socday Rooble iyo Madaxda Maamulada, kaasoo ku qotomay doorashadda.

Madaxda ayaa soo saareen War-murtiyeed ka kooban 18 qodob, oo marka la eego aan waxba ka duwanayn heshiisyadii horey loo fulin waayay, iyadoo la mudeeyay doorashadda.

Waxaa lagu yiri qoraalka, doorashadda Aqalka Hoose waxaa lagu soo gaba-gabeynayaa mudo 40 maalin, January 15 illaa Febuary 25, taasoo la rumeysan yahay inay adag tahay fulinteeda.

War murtiyeedka waxaa ku jiray qoddobo ay ka mid yihiin, in aan la faragallin karin kuraasta beelaha, isla markaana beel walba ay u madax banaan tahay kursigeeda, laakiin ma cadda sida loo fulin doono amarkaas. 

Waxaa lagu soo daray qodobada amniga Madaxtooyadda, oo la faray AMISOM inay adkayso kadib markii Farmaajo difaacyo ka qotay Villa Somalia, islamarkaana Ciidan cusub keensaday.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.