NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Musharaxiinta dhawaan ku shiray Magaaladda Muqdisho la shaqeynta dalal Shishiiye.
MUQDIHSO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyey musharraxiintii dhawaan ku shiray Muqdisho la shaqeyn dalal shishiiye.
Qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in qoraalkii dhowaan ay musharraxiinta ku eedeeyeen Madaxda DFS iyo duqa Muqdisho yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana si qaldan loo fasirtay hadlkii guddoomiyaha.
“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu aad uga xun yahay qoraalka lagu faafiyay Baraha Bulshada ayna soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu qoray eed iyo cambaareyn aan sal iyo raad laheyn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir loona turjumay si qaldan, iyada oo muhsarixiinta ka leeyihiin qoraalkooda dano guracan oo u adeegaya shisheeye ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa si aan gambasho lahayn ugu hanjabay musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, isaga oo ku baaqay in la dilo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments