Godane iyo Saraakiil kale oo lagu Duqeeyay Shabellaha Hoose

Sablaale (KON) - Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa Xalay lagu duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana Wararku ay sheegayaan in Duqeynta ay geesteen Diyaaraddaha 'Drones'ka ee Mareykanka.
Warar Keydmedia Online
Godane iyo Saraakiil kale oo lagu Duqeeyay Shabellaha Hoose

Duqeeynta ayaa ka dhacday inta u dhaxeeysa Sablaale iyo Dhaytubaako Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana laga maqlayay Deegaanka oo dhan dhaqaaqa Gantaaladda.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo VOA la hadlay ayaa sheegay in Duqeynta lala Eegtay Goob ay Al-shabaab ku shirayeen, waxaana ku jira Dadka la Duqeeyay Axmed Cabdi Godane Horjoogaha Al-shabaab.

Siidii ayaa sheegay in Goobta la Duqeeyay ay joogeen Axmed Godane, Gudoomiyaha Shabaab ee Shabellaha Hoose ugu magacaaban Abuu Cabdalla, Dulyadeyn iyo Saraakiil kale oo Ajaanib ah.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaab ay ka Shirayeen xiliga Weerarka lagu qaaday Duulaanka Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku hayaan.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho

 




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.