Godane oo lagu dilay Duqeyntii Xalay?

Nairobi (KON) - Saraakiil ka tirsan Wasaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyntii Xalay ee ka dhacay Deegaanka Dhaay Tubaako & Sablaale lagu dilay hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Warar Keydmedia Online
Godane oo lagu dilay Duqeyntii Xalay?

Macluumaad dheeri ah oo ay Keydmedia Online ka heleyso Mas'uuliyiin ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa sheegaya in diyaaraddaha Droneska ee Xalay ku dileen Deegaanka Dhaay Tubaako & Sablaale hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil kale oo la socday.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka, John Kirby, ayaa sheegay inay faafaahinta soo bandhigi doonaan xilli dambe, mana uusan xaqiijin Wararka sheegaya in Godane lagu dilay Duqeyntii Xalay.

Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ayaa dhowr jeer sheegay in ay Dagaal ku dileen Axmed Gadone.

Mas'uulkaan oo ay KON ka heshay Macluumaadka ayaa sheegay in Mareykanku uusan heynin Cadeyn ama Sawirro muujinaya Dilka Axmed Gadone, wuxuuna sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ay Galabta soo bandhigi doonto Faah-Faahinta Weerarkii Xalay.

Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab.

Xalay Fiidkii Diyaarad Drone ah oo laga leeyahay Mareykanka ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey Xarunta ay uga shirayeen Al shabaab Duulaanka uga imaanaya Ciidanka DFS & AMISOM, waxaana Kulanka uu ka dhacayay inta u dhaxaysa Dhaay Tubaako & Haaway, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka C/qaadir Siidii.

Dhanka kale, Kooxda Al shabaab ayaa ku xiray Dad badan Saakay Deegaanka Dhaay Tubaako & Sablaale, kuwaasi oo ay uga shakiyeen inay hageen Diyaarado Duqeymo Cirka ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar hoose oo KON helayso ayaa sheegaya in Dadka la qabtay oo Tiradooda gaarayso 20 ay ku jiraan Saraakiil Al shabaab, waxaana lagu qabtay Saakay Howlgal ay Kooxda kawo Degaanka Dhaay Tubaato & Degmada Sablaale, waxaana Wali jirin Fah Faahin rasmi ah oo laga haayo Dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay Duqeyntii Xalay.

Xiisado ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa Degmada Baraawe, kadib markii ay Ciidamada DFS & AMISOM ay billaabeen inay kusoo dhawaadaan Magaaladaasi oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Horjoogiyaasha ugu sareeya ee Kooxda Al shabaab.

Bishii November 2013, Diyaarad Drone ah ayaa waxa ay ku dishay Duqeyn Horjooge Ibraahim Ali oo loo yaqaanay "Anta Anta" kaasi oo Al shabaab u qaabilsanaa samaynta Walxaha ay u adeegsato Kooxda Qaraxyada ay dalka ka fuliyaan.

Keydmedia Online - Nairobi / Mogadishu

 

 




    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.