Gohala Midowga Musharixiinta oo digniin u diray Golaha Shacabka

Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarkamaanka Fadaraalka Soomaaliya ugu digay in ay mar labaad dalka galiyaan qalalaase siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Gohala Midowga Musharixiinta oo digniin u diray Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya -  War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana Guddoonka Aqalka hoose ee Baarlamaanka, looga digay in ay qaadaan tallaabo lagu dhibaateynayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka, kadib markii tiro yar oo ka tirsan Golaha Shacabka ay dalka u hrseedeen qalalaase 12 April, 2021.

War Saxaafadeedka ka soo baxay GMM, waxaa lagu sheegay in Farmaajo yahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan hirgalinta doorashoyin heshiis lagu yahay oo dalka ka dhaca, waxayna ku baaqeen unuu faraha kala baxo howlaha doorashooyinka, isla markaana banneeyo xaafiiska Madaxtooyada.

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble, ayay ku booriyeen inuu la wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka, taas oo fududeyn doonta sida ay sheegeen in ciidamada uu Farmaajo kala qeybiyay dib loogu mideeyo.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka ayay ugu baaqeen in ay Xukuumadda xil-gaarsiinta, kala shaqeeyaan hoggaaminta doorshooyinka iyo amniga dalka.

Sida laga dheehan karo, warka ka soo baxay Golaha Midowga musharixiinta, waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo in Xubnaha ka tirsan Aqalka hoose ee daacadda u ah Farmaajo, ay si deg deg ah xilka kaga qaadaan Ra’iisul Wasaare Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].