Golaha Ammaanka oo u codeeyay Xakameynta walxaha Qarxa ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Xakameynta walxaha qarxa ee loo iib geeyo Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Golaha Ammaanka oo u codeeyay Xakameynta walxaha Qarxa ee Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay shalay kulankoodii ay uga arrinsanayeen waxlaha Qarxa ee Soomaaliya la geeyo in laga hortago iibinta ama u raridda Soomaaliya walxaha Qarxa. Kooxda Al-Shabaab ayaa walxaha qarxa soo galisa dalka Soomaaliya si ay ugu qarxiyaan bartilmaameed yadooda gaarka ah.

Dowladda dhexe Soomaaliya ayaa loogu baaqay  inay sii waddo la dagaallanka kooxda xagjirka ah ee lacagaha sharci darrada ah ka qaadda dadka taasoo guddigii ka socday Qaramada Midoobay ay ku qiyaaseen inay ka uruursadaan Al-Shabaab lacag gaaraysa $ 21 milyan sanadkii hore 2019.

Qaraarka ayaa la ansixiyay kaddib markii natiijadii ay noqotay sidan 13-0 waxaana ka aamusay laba waddan oo ka amida Golaha Ammaanka ee ka kooban 15 ka xubnood, qaraarkan waxaa lagu mamnuucay dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab milatari ah ee la iibiyo ama la bixiyo si gacan looga geysto horumarinta Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya .

Kooxda Al-Shabaab dhowr hoobiye ayey sanadkan ku garaacday xarunta Qaramada Midoobay ay ka daggantahay Soomaaliya ee Xalane, sidoo kale waxay geesteen qaraxyo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad kamdia dowladda soomaaliya.

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay waxaa la weeraray Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Dufle iyo Xalay oo u dambeysay oo la qarxiyay Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhaawac uu kasoo gaaray laba kamdia ilaaladiisana ay goobta ku geeriyoodeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.